Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Ra iisulwasarah Soomaaliya oo kasoo laabtay Muqdisho kana hadlay Safarkiisii...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Ra iisulwasarah Soomaaliya oo kasoo laabtay Muqdisho kana hadlay Safarkiisii Cadaado

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Shar’amarke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta kusoo laabtay Muqdisho; Kaddib safar laba maalmood ah oo ay ku tageen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Wafdiga RW Soomaaliya ayaa ka furay Cadaado wajiga labaad ee shirka Maamulka loogu dhisayo Gobollada Galguduud iyo Mudug, iyagoo sidoo kalena Kulammo la qaatay Gudiga Farsamada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ururada Haweenka iyo Madax ka Tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb.

Sharma’arke ayaa Sheegay in howlo badan oo muhiim u ah Geeddi-socodka Somalia lagu gaarsiinayo doorasho, isagoo xusay in maamulka lagu dhisayo shirka ka socda Cadaado uu muhiim u yahay geedi-socodkaas; isagoo u mahad-celiyay Maamulka Ximan iyo Xeeb oo marti Galiyey Shirka.

Magaalada Cadaado ayuu RW Somalia kulan kula soo Qaatay Kaakay Guddiga Farsamada Shirka Gobollada Dhexe, Waxaana Halkaas ka hadashay Guddoomiyaha Guddiga, Xaliimo Yarey oo Ra’iisul wasaaraha Somalia uga Warbixisay shaqooyinka u qabsoomay Guddiga iyo kuwa ka dhiman, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddiga laga sugayo dhameystirka iyo sixida howlaha shirka, isla markaana xukuumaddu ay garab-taagan tahay mar walba.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka oo uu kula Dar-daarmay inay iska ilaawaan wixii Khilaafaad ah, meelna uga soo Wada-jeestaan dhamaytirka howlaha baaxada leh ee horyaalla shirka Cadaado.

Ugu dambeyn, Sharma’arke ayaa Sheegay in Muddo Dhow la soo Af-meeri Doono Wajiga Labaad ee Shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe ee Somalia, loona gudbi doono dhamaystirka howlaha ka harsan Shirka.

 

SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (11) SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (10) SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (9)  SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (7) SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (6) SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (5) SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (4) SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (3) SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (2) SAFARKII RA ISULWASARAHA SOMALIYA EE CADAADO (1)

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY