Rabshado iyo dibadbaxyo weli ka socda magaalada Bujumbura Waxaa weli magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ka socda iska horimaadyo xooggan oo u dhexeeya ciidamada Booliska iyo Banaanbaxayaal ka soo horjeeda Madaxweyne Pierre Nkurunziza oo dhawaan sheegay inuu mar sadexaad isku sharraxayo xilka madaxnimo ee dalkaasi.
Inta uu iska hor imaadka socday ayaa waxaa toogasho lagu dilay mid ka mid ah Askarta Booliska waxana la sheegaya in uu dilay askari kale oo ka tirsan isla Booliska.
Rabshadaha taagan ayaa waxaa ka qaxay Kumanaan qof oo iyagu ka walaacsan rabshadaha sii daba dheeraaneysa.
Madaxweyne Nkurunziza oo la hadlay warbaahinta Dowladdiisa ayaa ugu baaqay Shacabka dalkiisa in ay ilaaliyaan midnimada iyo Qaranimada islamarkaana laga badbaadiyo dalka in lagu celiyo dagaaladii Sokeeye ee hore u ragaadiyay shacabka waddankaasi.
Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay rabshadaha Burundi tan iyo markii ay bilaameen.