(DAAWO SAWIRADA) Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo kulan Xasaasi ah u socdo

0
231

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xiligan kulan la leh qaar kamid ah Golaha Midowga Musharraxiinta, kuwaa oo walaac ka muujiyay sida ay u socdaan doorashada

Kulankan oo ka socda  Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka dalka dalka ka bilowday gaar ahaan doorashada golaha shacabka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka

Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u dhaliilay ugana hor yimid sida ay ku socoto doorashada Xildhibaanada golaha shacabka oo musharaxiinta sheegeen in ay ku socoto hab musuq iyo boob ah

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Musharaxiinta ayaana kawada hadlaya sida ugu macquulsan ee xal loogu heli karo doorashada ku bilaabatay musuq maasuqa ee kaliya lasoo saarayo xubno si gaar ah u wataan Villa Soomaaliya iyo Madaxda maamulada.