Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma Arke ayaa kormeer ku tagay Dekedda weyn ee Muqdisho, Kormeerkan ayay ujeedkiisu ahayd inuu u kuur-galo howlaha ka socda dekedda. wuxuuna indha-indheeyn ku sameeyey qaybo ka mid ah Dekedda oo ay shaqooyin ka socdeen.
Kormeerka kaddib ayaa ra”iisul wasaaruhu wuxuu kulan la qaatay maareeyaha Dakedda Muqdisho iyo masuuliyiinta shirkadda Al-beyrak ee Dalka Turkigo oo gacanta ku haya maamulka Dakedda.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur ayaa kulanka kaddib wuxuu la hadlay warbaahinta, isagoo u Faahfaahiyay Waxyaabaha ay sida gaarka ah uga Wadahadleen RW Sharma’arke.
Sidoo kale, Maareeyaha Dakedda Muqdisho ayaa Xusay in Horumar la Taaban karo uu ka jiro Dakedda sida; qalabka lagu qabto howlaha Dakedda iyo qaabka Howl-galka oo noqday mid la mid ah Dekadaha waaweyn ee Caalamka.
Dekedda Muqdisho waxaa gacanta ku haysa shirkadda Al-beyrak oo laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana weli ka socda dhismayaal waa weyn oo loogu talo-galay in lagu ballaariyo, si ay u qaaddo miisaanka baaxadda leh ee dhinacyada ganacsiga iyo alaabada kale ee la keenno Somalia, waana mid ka mid ah ilaha ugu waa weyn dhaqaalaha dalka.