Todobo kun oo arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ee ay Wasaaradda Waxbarashada ka qaadeyso ardayda dhigata Dugsiyada sare ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo ay wehliyaan Wasiirada Waxbarashada Khadra Bashiir Cali, Warfaafinta iyo dhaqanka Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Aminga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si rasmi ah u furay qaadista Imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, si ardayda ay u helaan shahaadooyin mid ah oo Wasaaraddu aqoonsatahay.
Munaasabadda ayaa waxaa kaloo qeyb galay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda iyo Madaxsare oo ka tirsan dowladda, iyadoo ardayda ay imtixaanku ku galayeen dugsiga 15 May, waxaana ardayda u rajeeyeen in Imtixaanka uu Alle ku guuleeyo.
Geesta kale Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Bile Nuur ayaa imtixaanka ka furay Iskuulkii hore ee farsamada ee Buulo-Tikniko, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ardayda aad u fara badan oo imtixaanka ka qeyb galaysay.
Ugu Dambeyn Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ku simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu maanta Imtixaanka ka furay Jaamacadda Ummadda, halkaasi oo ay joogeen arday aad u fara badan, iyadoo ay jiraan Iskuullo kale oo uu kormeer ku sameeyay Wasiirka Cadaaladda, waxaana uu xusay inay tahay tallaabo lagu farxo.