Casho Sharaftaan ay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika u sameysay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka qeyb galay galay Madaxda Safaaradda Danjire Jamal Maxamed Barrow,Qunsulka Safaaradda Mudane Maxamed Cali Mire Nabadoon,Xogyaha koowaad koowaad, labaad iyo Sedexaad ayadoo dhinaca kale barbar socotay xog is weedaarsi labada dhinac ah.
Cashada kadib ayey Xildhibaanada waxa ay Safaaradda ugu mahadceliyeen casha sharafta Safiirka iyo madaxda kale iyadoo dhinac kale Dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyeen magacaabista Safiirka.
Xildhibaan Cabdi Casiis Cabdullahi (Cabdi Xukun) ayaa sheegay in ay waxweyn tahay in ay Safaaradooda soo dhaweysay casho sharafne u sameeysay waxa uuna yiri.
“ Dowladda Soomaaliya iyo Xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid runtii wax fiican bay sameeyeen markay soo dedejiyeen,aniga inbadan baan la kulmay Jaaliyadda baahi weyn ayay u qabeen in Safiir loosoo magaacabo”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xukun oo koonfur afrika u joogo ka qeybgalka Shirka Pan Africa ee ka socda Magaalada Johhanseburg.
Xildhibaanad Safiya ka tirsan mudanayaasha u matalaya Shirka Baaralamaanada Afrika walaalaha Jabuuti oo iyana casha sharafta kadib Warbaahinta la hadashay ayaa iyana sheegtay inay ku faraxsantahay casha sharafta ay Safaaradda u sameysay.
“ Safiirka Soomaaliya u jooga South Africa ayaa casha sharaf inoo sameeyay waanna ku faraxsanahay’ayay tiri.
Ugu dambeyntii Danjire Jamal Maxamed Barrow Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay Xildhibaanada Soomaaliya iyo kuwa walaalaha dalka Jabuuti.
“Xildhibaanada Soomaaliya iyo walaalaheena Jabuuti kascoda ee ka qeybgalaayo Shirka Baaralamanada Afrika anigoo ku hadlaayo magaca Safaaradda waxaan leenahay soo dhawaada,waxaan nahay dad wada dhashay.”ayuu hadalkiisa kusoo gabogabayeeyay Danjiraha.
Shirka Baarlamaanada Afrika oo kasocda ayaa waxaa ka qeybagalaayo Mudanayaal ka tirsan Barlamaanada Qaaradda Africa iyadoo ay Soomaaliya iyo Jabuutina qeyb ka yihiin.









Omar Kiyow