Wafdi uu Hoggaaminayo safiir ku xigeenka Waddanka Jermalka u fadhiya Somalia, Christain Resch ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, iyadoo si diiran wafdigan loogu soo dhaweeyay Boosaaso.
Wasiirro ka tirsan Maamulka Puntland, Maamulka Gobalka Bari, kan Degmada Boosasao ayaa kusoo dhaweeyay wafdiga Garoonka Diyaaradha ee Boosaaso; halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.
Xubnaha Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa; Madaxa Hay’adda WFP ee Somalia, Laurent Bukera iyo xubno kale. Iyadoo lagu wado in wafdigu uu berri ka furaan degmada Boosaaso Mashaariic Horay ay u Maal-geliyeen.
Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Wafdiga Maanta Gaaray Boosaaso ay xarigga ka jari doonaan mashruuc ay ka fuliyeen Saldhigga weyn ee magaalada Boosaaso.