{DAAWO SAWIRADA} Safiirka Somaliya ee dalka Indonesia oo la kulmay Madaxweynaha dalkaasi

0
Ahmiyada kulanka ayaa ahaa sidii loo adkeyn lahaa xiriirka dhanka Diblumaasiyada ee Somaliya iyo Indonesia ka dhaxeeya iyo sidoo kale qaban qaabada safar dhawaan Madaxweyne Xasan uu ku tegi doono dalkaasi.
Safiirka Soomalaiya u fadhiya dalka Indonesia Danjire Cabdixakiin Ugaas Cali Yaasiin ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Indonesia ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ay ugu horeyso xoojinta xiriirka labada dal.
Ciidamada u tababaran soo dhaweynta masuuliyiinta ayaa salan Sharaf siiyay Safiirka iyo Madaxweynaha, waxaana la arkaayay calanka dalka Somaliya oo ka dul babanaya Xarunta Madaxtooyada dalkaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha dalka Indonesia uu warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomayay safiirka Soomalaiya ee dalkaasi
IMG_2EF825-68CEDE-342280-56CD14-10172E-45D84B SAFIIRKA INTUNIISIA (1) SAFIIRKA INTUNIISIA (2) SAFIIRKA INTUNIISIA (3) SAFIIRKA INTUNIISIA (4) SAFIIRKA INTUNIISIA (5) SAFIIRKA SOMALIYA EE iNDUNUSIA
SHARE