fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
Home{DAAWO SAWIRADA} Sagootin lo sameyey Safiirkii Horre Somaliya u fadhiyay Turkiga...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Sagootin lo sameyey Safiirkii Horre Somaliya u fadhiyay Turkiga Iyo Midka Cusub Oo Kuwajahan Wadankas

Kulan dhex maray wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Mr Mevlüt Çavuşoğlu iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane danjire Maxamed Mursal Sheekh Abdiraxmaan .

Kulankaa oo ku saab sanaay sagootin loo sameeynayay safiirka ufadhiya Soomaliya dalkan Turkiga mudane danjire Maxamed Mursal Sheekh Abdiraxman ayaa waxaa uu ka dhacay wasaaradda arimaha dibadda Turkiga halkaa oo uu wasiirku ku marti geliyay safiirk Maxamed Mursal

Kulanka ayaa waxaa kahadlay danjire Maxamed Mursal oo ku amaanay wasiirka arimaha dibadda Turkiga sida huf naanta iyo walaaltinimada ay ku jirto oo ay u soo wada shaqeeyeen waxa uuna uga mahad celiyay wasiirka iyo dhamaan shaacab weynaha Turkiga sida ay marwalba u garab taagan yihiin dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Wasiirku waxa uu ilahey uga baryay safiirka mustaqbal ifaayo horomar iyo caafimaad waxa uuna ka codsaday in uu sii wada halganka uu ugu jiro sidii Soomaaliya looga saarin lahaa xaaladda ay hadda ku jirto loona gaarsiin lahaay horomar iyo isku filnaansha buuxdo.

Waxaa Sidoo kale kulan sagootin ah u sameeyay guddoomiyaha hay’adda TİKA Dr Serdar Çam TİKA waa ha’adda ugu wayn dalka Turkiga waana hay’adda ay hoos imaadaan dhamaan howlaha ay Turkigu ka wado Soomaaliya iyo inta badan dunida daafaheeda.

Danjiraha ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyay gudoomiya hay’adda iyo dhamaan howl wadeenada hay’adda sida ay walaal tinimadu ku dheehantahay ay u garab taagan yihiin walaalahooda soomaaliya waxa uuna ka codsaday in ay sii xoojiyaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya

Guddoomiyuha hay’adda TİKA ayaa safiirka ku amaanay sida ay gacanta uga geysatay safaaradda Soomaaliya fududeynta howlaha gargaarka ay gaarsiiyeen walaahooda soomaaliya ayan sii wadi doonaan howlaha ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Guddoomiyuha hay’adda TİKA ayaa safiirka guddoonsiiyay hadiyad qaali ah taa oo ahayd tabeelo ay ku qorantahay aayada ka tirsan quraanka kariimka.

Munsabadan sagootinta ah ee Lo sameyay Safiirkii hore ee soomaaliya waxaa ay ku so beegmeysaa xili dhamaan lamagacabay safiirka cusub ee Turkiga u fadhindoono soomaaliya Waxana lo magacabay xilkaas C/llaahi Maxa’ed Cali (Sanbaloolshe), kaas oo Lagu wado in Maamlmaha Soo adan U gaaro wadanka Turkiga

Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (7) Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (8) Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (9) Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (1) Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (2) Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (3) Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (4) Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (5) Safiirkii Horre Ee Turkiga Oo Lamacsalaameyay (6)

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...