Magalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah Gobollada dalka ee laga maamuusay munaasbaada ciida,waxaana ay dad-weynuhu subaxnimadii hore ee saakay labada ragco ee salaada ku oogeen masaajidda kala gadisan ee magaalada Baladweyne, iyadoo intaa kaddibna dadku isku mar-xabeynayeen ”Kulu-Caam-Wa-Antum Bikheyr” iyo ciid-wanaagsan.
Caruurta ayaa maanta oo kale siweyn u muujiya farxad iyo reyn-reyn, waxaana la arkayaa iyaga oo hadba dhinac u gooshaya xaafaddaha magaalada ka kooban tahay, qeybna ka qaanaya fantisyaha lagu maamuusayo maalinta ciida.
Shacabka baladweyne ayaa Iskugu hamblayeynayay Ciid Mubarak iyo Ciid wanagsan Waxana ay ahaayen kuwa siweyn ugu faraxsan musabada ciida Carafo
SAWIR QAADE
CABDI AXMED XUSEEN