Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doono dalka Ukraine, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy.
Zelenskyy Madaxweynaha Wadanka Ukraine ayaa safiirka ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, isagoo si weyn ugu mahadceliyay Soomaaliya, waxana uu bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.
Wadanka Ukraine oo ay Soomaaliya u magacaawday Safiirka Dalkaasi ayaa ah dal ay saameeyeen dagaalka uu kula jira Dowladda Ruushka.







