fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
Home{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka X.D.S oo kormeer ku sameeyey Hoggaamada kala duwan...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka X.D.S oo kormeer ku sameeyey Hoggaamada kala duwan ee Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur-geliyo xaaladda Ciidanka Xoogga dalka ku sameeyey hoggaamada kala duwan ee Ciidamadda iyo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnayd goobihii uu booqday, wuxuna dhinaca kale kulan la qaatay Saraakiil ka socota dawladda aanu walaalaha nahay ee Turkiga kuwaas oo gacan siiya taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa waxaa uu siweeyn ugu  kuurgalayay xaaladda dhabta ah ee ay Ciidamaddu ku shaqeeyaan, waxaana uu  taliyihu booqdey Dhismooyin ay Ciidamada leeyihiin oo ku burburay dagaalladii wadanka ka dhacay.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna waa in ay taas ogaataa gacanna nagu siiyaan sidii aan dalkeena cadowga kusoo duulay uga sifeyn lahayn, waxaan u jeedaa bur-bur iyo baahi kala duwan oo la rabo in si deg deg ah wax looga qabto, waana midda aan hadda dadaalka ugu jirno sidii aan wax un uga qaban lahayn” ayuu yiri Taliyaha oo la hadlayay Saraakiishii uu kula kulmay hoggaamada.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, wuxuna Taliyuhu boggaadiyey gacanta walaaltinimo ee mar walba ay dawladda iyo shacabka Turkigu la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, wuxuna si gaar ah uga mahadceliyey gacan siinta Ciidanka X.D.S, isagoona xusay in taliska guud ee ciidanka xoogga dalku uu diyaar u yahay sidii uu wada shaqayn dhaw ula yeelan lahaa saraakiisha maadaama ay kamid yihiin dalalka taageera ciidanka Xoogga dalka.

talie ciidan (1)

talie ciidan (2)talie ciidan (3)

talie ciidan (4)

talie ciidan (5)

talie ciidan (6)

talie ciidan (7)

talie ciidan (8)

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...