Taliye ku-xigeenka Booliiska Somaliya, Jen. Mukhtaar Xussen Afrax iyo mas’uuliyiinta maamulka gobol iyo degmo ayaa maanta booqday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne.
Jen. Mukhtaar Xussen Afrax Iyo Xildhibaannada ayaa intii ay joogeen Saldhiga waxaa ay Warbixin ka dhageystay saraakiisha Qeybta Booliiska Beledweyne, iyagoo Dhinaca kalana Gaarsiiyay Saldhigga Agab Waxbarasho oo sare loogu qaadayo aqoonta ciidammada.
Ku-xigeenka guddoomiyaha degmada ee dhinaca maaliyada Bashiir Xuseen Dhoore ayaa sheegay in agabkan waxbarasho ee lagu wareejiyay saraakiisha booliiska degmada uu qeyb ka yahay mashruuc la doonayo in lagu dhiso aqoonta ciidammada qeybta u baahan in laga caawiyo barashada xisaabta qorista iyo aqrita afka Soomaaliga.
Dhinaca kala, Xildhibaannada, taliye ku-xigeenka booliska Somalia iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ayaa socod ku dhaxmaray Qaybo ka mid ah Magaalada Baladweyne, iyagaoo waliba Goobaha lagu Shaaho kula Sheekeystay Dadkii Shacabka ahaa ee waqtigaa ku sugnaa.
Tan iyo Markii U magalada Bladweyne sogaray Jen. Mukhtaar Xussen Afrax taliye Ku xigeenka ciidamada Booliska soomaaliya ayaa waxaa u u kuurgalay marxaladaha kala duwan oo ay ku shaqeyaan ciidamada Booliska baladweyne
SAWIR QAADE Cabdi Wali Xuseen Tawakal
Radio Hiiraanweyn Baladweyne