Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
HomeARIMAHA BULSHADA{DAAWO SAWIRADA} Talyaaniga ayaa labo Gawaari oo nuuca xabaddu karin ah ku...

{DAAWO SAWIRADA} Talyaaniga ayaa labo Gawaari oo nuuca xabaddu karin ah ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Arbaco 22 March 2023 {HMC} Wasiiru dowlaha amniga iyo taliyaha booliiska ayaa Ka qeyb galay munaasabad safaaradda Talyaanigu ku wareejisay gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday ciidamada boliiska JFS.

 

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso ciidanka booliiska.

 

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay nadaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Khawaariijta.Wasiir dowlaha amniga XFS Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga JFS.
MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY