Dowladda Uganda ayaa Somalia u soo dirtay Saraakiil Cusub oo Booliis ah, kuwaasoo qayb ka noqonaya hawsha nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo Somalia ka howlgeli doona Muddo Sannad ah.
Saraakiishan booliiska ah oo tiradoodu tahay 14 ayaa qaatay tababar muddo hal toddobaad ah u socday, kaasoo soo dhamaaday Jimcihii hore ayaa la sheegay inay howshoodu noqon doonto sidii nabadda xoogga loo saari lahaa.
Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou ayaa xusay in saraakiisha Booliiska ah ee ka socda Dalka Uganda ay Muhiim u yihiin Hawsha Nabad-ilaalinta ah ee ka socota Dalka Soomaaliya.
“Waxaad muhiim u tihiiin sidii kaalin weyn aad uga qaadan lahaydeen qorshaha Somalia lagu gaarsiinayo doorasho sannadka 2016-ka. Waxaadna qaybtiinna ka qaadan doontaa Howlgallada Ciidamada Millateriga AMISOM ay ku doonayaan in ay Somalia nabad uga dhigaan. Inaad door ka Qaadataan Howlgallada lagu xoreynayo Soomaaliya, kaaoo ah mid muhiim ah,” ayuu yiri danjire Sidikou.
Danjiraha Sidikou ayaa ku boorriyay Saraakiishan cusub in dhaqanka dadka Soomaaliyeed ay xushmeeyaan, isla markaana ay difaacidda Haweenka, Carruurta iyo Dadka nugul, sidoo kale wuxuu uga digay inay ku kacaan Kufsi iyo Xad-gudubyada la mid ka ah.
Saraakiishan ayaa waxaa howlahooda ka mid ah; tababarridda ciidanka booliiska Somalia, inay la taliyaan iyo inay qayb ka qaataan dhimaha booliis Soomalaiyeed oo awood u leh Xaqiijinta Ammaanka.
Taliyaha Booliiska AMISOM, Anand Pillay oo isna la hadlay saraakiishan Uganda ay soo dirtay ayaa xusay inay qayb ka qaataan tababarida booliiska Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in AMISOM aysan u dulqaadan doonin inay Xad-gudubyo uu kufsiga ka mid yahay ay ku kacaan, loogana baahan yahay inay howshooda u yeeshaan dulqaad.
“Waxay ila tahay in Tababarkii aad soo Qaadateen la idin kaga digay inaad falal ay ka mid yihiin kufsiga iyo Xad-gudbyo kale aad ku kacdaan, Aniguna waxaan idiin sheegayaa inay taasi khatar weyn ku noqon karto howshiinna,” ayuu yiri Anand Pillay.
Saraakiishan ay Uganda u soo dirtay Somalia ayaa kusoo beegmayaan xilli 140 Askari oo Booliiska AMISOM ka tirsanaa una dhashay Uganda Xaflad lagu sii sagootinayay loogu qabtay Muqdisho toddobaadyo ka hor.
Dhanka kale, ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Lydia Wanyoto Mutende ayaa saraakiishan ka socda dalka Uganda ku wagelisay inay deegaanno cusub oo aanay horay u aqoon ay ka shaqeyn doonaan, loogana baahan yahay inay Booliiska Somalia kala shaqeeyaan Amniga.
“Waxaanu awoodi karnaa inaan gacan ka geysanno soo kabashada Soomaaliya. Waxaan sidoo kale kala shaqeynaynaa Dowladda Somalia sidii sharciga iyo kala dambeynta loosoo celin lahaa, loona xoojin lahaa howlaha booliiska iyo weliba sirdoonka Soomaaliya,” ayay tiri Wanyoto, oo intaas ku dartay in xogaha dhanka sirta ah aad ka heshaan bulshada dhexdeeda.
Ugu dambeyn, ciidamada booliiska AMISOM ayaa Waxaa ku yaboohay Shan Waddan oo Afrikaan ah oo kala ah; Uganda, Kenya, Nigeria, Ghana iyo Sierra Leone. iyagoo ka hoos shaqeya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.