Xubno kamida ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo maanta kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Baladweyne waxa ay eedeyn u jeediyay Guudoomiye ku xigeenka Aminga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed ibraahim Cabadulaahi oo ay sheegay in taageeray xubno lid ku ah howlaha ururka.
Guudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan Mohamed Abdullahi Burale ayaa yiri “ halkan maanta waxaa iskugu yimid ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan u jeedka kulanka ayaa ah sidii looga hadli lah faro galin uu Gudoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasada uu ku hayo ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan kadib markii maalintii shalay uu garoonak ku soo dhaweyay Muuno Xasan Maxamed oo horey u aheyd Guudoomiye ku xigeenkii ururka islamarkanaa xilka laga qaaday taaso aflagadooyin badan u geystay ururka hadda waxay sheegtay in ay tahay Guudoomiyaha dhalinyarada Gobolka marka Gudoomiyaha Aminga iyo siyaasada iyo Muuno Xasan Maxamed sharciga ayaan la Tiigsan doonaan.ayuu’yiri Guudoomiyaha ururka dhalinyarada Maxamed cabdulaahi Buraale.
Qar ka mid ah ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Guudoomiyaha looga bahan yahay in uu ka waan toobo iska horkeenka dhalinyarada Gobolka Hiiraan.
Sido kale Guudoomiyaha ururka dhaliyarada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Buraale ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ugu soo qeyb galay shirka dib u eegsita dastuurka dalka oo dhawan lagu qabtay Magaalada Caasimada ee Muqdisho islamarkanaa ay ka soo qeyb galeen ururada dhalinyarada Gobollada dalka.