Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo Maanta Gaaray Cadaado

{DAAWO SAWIRADA} Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo Maanta Gaaray Cadaado

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa gellinkii dambe ee maanta gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Socdaalka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia, Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahanno kale, waxaaana safarkoodan uu kusoo beegmayaa xilli lagu wado inuu berri oo Axad ah degmadaas ka furmo wajigii labaad ee shirka lagu soo dhisayo maamulka Gobollada Galguduud iyo Mudug.

Jen. Diini iyo Wafdigiisa ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Cadaado ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Galgaduud iyo Qaybaha Bulshada, iyadoo soo dhaweynta kaddib loo Qaaday Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, Halkaasoo uu kula Qaadanayo kulammo mas’uuliyiinta Maamulkaas.

Ugu dambeyn, degmada Cadaado ayaa waxaa ka socda shirka maamulka loogu sameynayo Gobollada Mudug iyo Galguduud oo ka mid ah kuwa Gobollada Dhexe ee dalka, inkastoo shirkan uu la kulmay Caqabado kala duwan.

Wasiirka_Difaaca_Cadaado_Tagay (1) Wasiirka_Difaaca_Cadaado_Tagay (2) Wasiirka_Difaaca_Cadaado_Tagay (3) Wasiirka_Difaaca_Cadaado_Tagay (4) Wasiirka_Difaaca_Cadaado_Tagay (5)

Nafiso Xirsi Maxamuud

Radio Hiiraanweyn cadaado

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...