fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Magaalada Nairobi Uga Qeybgalay Shirka Iskaashiga...

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Magaalada Nairobi Uga Qeybgalay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Wadama Gees Afrika

Arbaco 8 March 2023  {HMC} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative).

Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa hadal ka jeediyay isaga oo ka hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka u leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore lagu heshiiyay.

 

Shirkaan muhiimka ah ee Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan dalalkaan uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo kale muhiimka u ah iskaashiga Geeska Afrika.

“Waxa aan maanta magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika (Horn of Africa initiative) shirkaas oo aan uga dooday horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.

Waxa aan ka jeediyay khudbad kooban oo aan diiradda ku saaray sida ay ahmiyad gaar ah innoogu leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore ugu heshiinnay”. Ayuu yir Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo cod

0
Arbaco-4-October-2023-{HMC} Doorashada Madaxweynaha Puntland oo Lagu galidoono qof iyo codMaxamuud Caydiid Dirir Wasiirka warfaafinta ee maamul Puntland, ayaa ku adkaystay inay qabanayaan doorasho qof...