Sabti 28 March 2026 {HMC} Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah ee tartanka Qaramada Afrika 2027, iyaga oo la ciyaaray dhigooda Mauritius.
Kulan ciyaareedkaan oo ka dhacay magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique ayay xiddigaha xulka Ocean Stars ku soo bandhigeen ciyaar heer sare ah oo ay ka muuqatay xirfad, isku xirnaaan, hase yeeshee ciyaartu waxa ay ku soo idlaatay 0-0.
Ciyaartooyda xulka kubadda cagta ee Qaranka ayaa u diyaar garoobaya kulanka lugta labaad ee isreeb-reebka AFCON 2027, oo ay 31-ka bishan magaalada Port Louis kula ciyaari doonaan dhigooda Mauritius.




