{DAAWO SAWIRADA} Xuquuqda dimuqraadiga ah ee Soomaaliya oo diiradda lagu saarayo doodaha dadweynaha

0
107

Talaado November 22 2022 {HMC} Awoodda ay dadku u leeyihiin inay saameyn ku yeeshaan mustaqbalka dalkooda iyagoo isticmaalaya xuquuqdooda dimoqraadiyadeed waxay ahayd mowduuca doodaha dadweynaha ee Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garoowe iyo Jowhar bilihii Oktoobar iyo Nofembar.

Doodaha dadweynaha ee uu taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa isu keenay xubno ka socday bulshada rayidka ah oo matalayay haweenka, dhallinyarada, odayaasha, dadka naafada ah, dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la haybsooco iyo sidoo kale warbaahinta gudaha.

Qof iyo cod

Ka qeybgalayaasha ayaa carabaabey baahida loo qabo doorasho qof iyo cod ah oo aan ahayn doorashooyinka dadban ee hadda socda kuwaas oo codbixiyayaasha ka hor istaagi kara inay doortaan hogaamiyayaal ay ku kalsoonyihiin. Waxay isku wada raaceen in doorasho toos ah ay dalka anfaceyso.

“Waxaan rajaynaynaa in dalkeennu uu si buuxda u qaato dimuqraadiyadda innagoo qaadanayna habka hal qof iyo cod ah,” ayay tiri Fartuun Aadan Xeefow, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo la hadlaysay dadweynihii isugu yimid magaalada Jowhar.

“Qof kasta oo xaq u leh waa inuu u tartami karaa ama u codayn karaa musharaxa uu rabo. Hadii ay taasi dhacdo waxa ay fursad weyn u noqon doontaa dhallinyarada in ay u tartamaan jagooyin siyaasadeed. Sidoo kale, waxaa run ah in dowlad kasta oo ay soo doortaan aqlabiyadda shacabka ay noqon doonto mid wax ka qabata baahiyaha dadka soo doortay,” ayay ku dartay Fartuun.

Doodahaas, ayaa inta badan waxaa qof kasta ka guuxayay fikradaha kooxaha kala duwan ee ku aaddan mustaqbalka xuquuqda dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.

“Dalku si uu hore ugu socdo, dawladeenuna u hesho sharciyad dhab ah, waxaa loo baahan yahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo muwaadin kasta oo xaq u leh uu ka qayb galo. Dimuqraadiyadeennu way sii xoogaysanaysaa haddii aynu qabanno doorashooyin heer caalami ah oo xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Garaad Cabdullaahi Ducaale oo ka mid ah waxgaradka Muqdisho.

Tan iyo 2004-tii, Soomaaliya waxaa ka socday doorashooyin dadban oo ay madax-dhaqameedku soo xulayaan ergo beeleed, kuwaasoo iyaguna soo dooranaya xubnaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa markaas dooranaya madaxweynaha dalka. Odayaashan ayaa waxay ku shaqeeyaan nidaamka 4.5, kaas oo siinaya afarta beelood ee waaweyn ee dalka miisaan isku mid ah, halka koox ka mid ah beelaha laga tirada badan yahay ay helayaan nuska soo harey.

Habkan ayaa intii ay dooddu socotay ay dadka qaar ku dhaleeceeyeen in inta badan Soomaalida laga reebay codbixinta tooska ah. Saalima Sheekh Shuceyb oo ka mid ah ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka Baydhabo ayaa tiri: “Nidaamka 4.5 waa caqabad uu wajahayo qof kasta oo Soomaali ah, ma ahan oo kaliya haweenka. Haddii ay jirto doorasho qof iyo cod ah, annagu [haweenka] waxaan siin doonnaa codkeena qof kasta oo aan dareemo inaan ku kalsoonaan karno xuquuqdeena. Wax macno ah ma laha rag ama dumar; waxaan rabnaa inaan dooranno qof la aamini karo. Haddii Soomaali oo dhami isu timaado, doorasho hal qof iyo hal cod ah waxay anfacaysaa ummadda Soomaaliyeed oo dhan. Sidaas oo ay tahay, waxaan jecelahay in aan haweenka ku dhiirrigeliyo in ay codkooda dhiibtaan, la maqlo oo ay siyaasadda ka qaybgalaan.”

Siyaasad loo dhanyahay

Soomaaliya waa mid ka mid ah wadamada ugu ‘dhallinyarada’ badan adduunka – taas oo ah, ku dhawaad 60 ​​​​boqolkiiba  tirada dadkeeda lagu qiyaasay 16 milyan oo qof ay da’doodu ka yar tahay 30 jir, marka loo eego Ififaalaha Dadweynaha Adduunka, oo ay soo saartay Waaxda Dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay.

Tirada badan ee da’yarta ah waxay ka dhigan tahay in baahi weyn loo qabo in lala tacaalo caqabadaha la xiriira waxbarashadooda, shaqadooda iyo dhibaatooyin kale oo badan, oo ay ku jiraan matalaadda ay ku leeyihiin dhanka siyaasadda iyo dowladda.

“Haddii aan qaadanno habka qof iyo cod, waxay ka dhigan tahay in dhallinyaradii kartida lahayd aysan mar dambe soo marin odayaasha qabiilka. Doorashada tooska ah waxay ina siin doontaa fursad lagu soo doorto xoogga istaraatiijiyadeenna ololaha iyo siyaadaha loo soo bandhigay shacabka,” ayuu yiri hoggaamiyaha ardayda Muya Mizan Muya oo ka hadlayay dood dadweyne ka dhacday magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Abuurista jawi u sahlaysa dadka naafada ah inay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodyada siyaasadda musharraxnimo ama codbixiyenimo ayaa si weyn looga dhadhansanaayey doodaha.

“Anigu waxaan rabaa in aan u tartamo mansab siyaasadeed, laakiin waa liitaa, waayo aragga ayaan naafo ka ahay, sidoo kale waxaan ka soo jeedaa qabiil yar oo aan wax awood ah lahayn ama aan oran karo waxaa la iigu matalaa matalaad nus ah. Fursadda kaliya ee aan haysto waa haddii doorashooyin toos ah dhacaan.” ayuu yiri Dalmar Cadow Maalin oo 32 jir ah oo aragga naafo ka ah kana mid ah siyaasiyiinta kasoo baxaya magaalada Muqdisho.

Hannaanka doorashada, ku xusan dastuurka ku meel gaarka ah ee la ansixiyay 2012, ayaa qeexaya in haweenka looga baahan yahay inay helaan ugu yaraan 30 boqolkiiba kuraasta baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan siyaasad iyo sharciyo lagu ilaalinayo qoondadaas, waxaana xaaladda uga sii darnaa awoodda madax-dhaqameedka iyo culimaa’uddiinka ee ku dhisan habka qabiilka ee 4.5.

Faadumo Maxamed Axmed oo ah wakiilka haweenka ee magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegtay in dal uusan horumar sameyn karin haddii inta badan dadkiisa (haweenka) aysan matalaad helin, lagana fogaado in go’aannada laga gaaro arrimaha saameeya nolosha dadkan.

“Waxaan u baahannahay inaan ka gudubno doorashada dadban oo aan u gudubno doorasho qof iyo cod ah si haweenku ay si xor ah ugu ololeeyaan mansabyo siyaasadeed ama ay u codeeyaan murashaxiinta ay rabaan,” ayay raacisay.

Doodaha furan ee dadwaynaha oo uu taageerayo xafiiska UNSOM, ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu horumarinayo sidii dhammaan Soomaalida qeyb uga ahaadaan ugana tashadaan mustaqbalka dalkooda.

Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an inay sii wadaan bixinta taageerada siyaasadeed, maaliyadeed, mid farsamo iyo taageerada saadka ee hannaanka doorashada Soomaaliya.