Munaasabada lagu daah furayo tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay iska kashanayan warbaahin hiiraanweyn iyo ururka horumarinta arday gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne.
munaasabada ayaa wax ka qeyb galay maamulka Hiiraan madax warbaahinta Hiiraanweyn xubno ka socda ururka horumarinta arday gobolka ururka dhalinyarada bahada waxbarashada qarka mid ah tarmasha xaafadah magaalada iyo marti sharaf kale.
madaxa warbaahinta Hiiraanweyn maxamed cismaan makaraan ayaa sheegay in u jeedka ka dambeysay taranka in la qabto ay tahay fiikir ka timid aqoonyadan gobolka Hiiraan waxana uu tilmaamay in tartankan faaido u yahay bulshada beldedweyne.
qarka mid ah dadkii ka qeyb galay munaasabada ayaa sheegay in tartanka ay iska kashanayan warbaahinta Hiiraanweyn iyo ururka horumarinta arday gobolka Hiiraan ay wax badan ka tareyso is dhaxgalka bulshada ee beledweyne.
qarka mid ah tarmayasha xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay ka qeyb galan taranka waxana aay sheegeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan.
ku simaha guudoomiyaha gobolka Hiiraan ahna gudoomiye ku xigeenka gobolka ee dhanka arimaha bulshada Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ka qeyb galay munaasabada ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ay kaalintooda ka qadan doonaan tartankan ay iska kashanayan warbaahinta Hiiraanweyn iyo ururka horumarinta arday gobolka islamarkaana si rasmi ah u furay tartancilmiyeedka bisha barakeysan ee ramadaan.
tartanka ugu horeya ee ay qabaneyso warbaahinta Hiiraanweyn ayaa waxa food is daraya xaafadaha kooshin A iyo xaawo taako A. oo iyaga lagu furidoono tartanka
MAXAMED CABDI SANEEY
RADIO HIIRAANWEYN BELEDWEYNE