{DAAWO SAWIRADA}Taliyaha Ciidamada Somaliyad Iyo Wafdi U Hogaamiyay Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

0

aliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed iyo saraakiil kale ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho kadib socdaal ay shalay ku tegeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo gaadiid boolis ay ku wareejiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland.

Wafdiga taliyaha ciidanka booliska waxaa garoonka diyaaraha ee Kismaayo ku soo sagootiyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi,  waxaana markii ay soo gaareen Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska.

Sidoo kale taliyaha xubnaha la socday ayaa intii ay ku sugnaayeen Kismaayo waxa uu tababar u furay taliyuhu ku dhawaan labo boqol oo askari, iyagoo kulamo la qaatay madaxda ka tirsan Maamulka Jubaland.

BH0A8205BH0A8206BH0A8211BH0A8212BH0A8214BH0A8216BH0A8222BH0A8225BH0A8226BH0A8232BH0A8233BH0A8234BH0A8238BH0A8239BH0A8242BH0A8243BH0A8244BH0A8245BH0A8247BH0A8248

 

 

 

 

SHARE