furitanka tababarka wajiga labaad ayaa wax ka qeyb galay masuuliyin ka tirsan maamulka Degmada Baladweyne.madaxda hay’ada HEY,ADA SFH iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Beledweyne .
Duqa Degmada Baladweyne Cumar Aadan Ibraahim {Cumar Baadiyow} ayaa si rami ah uu furmay wajiga labaad tababar looga hadlayay sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa sida aay isaga xilsaari lahayeen masuuliyada garoonka kubada cagta ah ee dhismahiisa uu ka socdo Magalada Beledweyne ayaa waxa uu tilmaamay in aay dhibaato ku heyso garoon la,aanta ka jirta Degmada Beledweyne aay kabaxayaan hadii aay masuuliyad iska saaraan dhamaan bulshada Beledweyne .
Madaxa ha’yada SFH ee Gobolka Hiiraan Cabdiwahab Abuurka Xasan ayaa ka warmay ujeedka laga leeyaha siminaarkan waxana uu sheegay in tababarkan uu yahay kii labaad ee aay fuliso hey,ada SFH waxana uu ku tilmaamay ujeedka tababarkan ku wacyi gilinta bulshada beledweyn in laga dhaadhiciyo dadweynaha sidii milkiyada garoonka aay isaga xilsaari lahaayeen, waxana uu sheegay in aay ka rajeeynayaan in uu guul kusoo dhamaado isla markaana aayka filayaan la tababarayaasha in aay gudbiyaan fariinta loo dhiibay ee wacyi gilinta.
tababarkan maanta ka furmay magaalada baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galayay 2o qof oo laga soo xulay dhamaan xaafadaha kala duwan ee beledweyne waxana uu noqonayaa siminaarkan kii labaad oo ha’yada SFH ay u qabto qeybaha Bulshada ku nool Magalada Baladweyne islamarakana looga hadlay siidii bulshada loogu wacsyi galin laha in ay ilashtan garoonka kubada cagta ee magalada beledweyne.
Wariye Cali Cismaan kaskey
Radio Hiiraanweyn Baladweyne