waxaa maanta magalada beledweyne laga furay garoon cusub oo kubada cagta ah waxana loogu magac daray beledweyn fidni center iyadoona laga furay xaafada xaawo taako gaar ahaane laanta buulo xaableey.
waxaana furitaanka xaflada garoonkani kasoo qeeyb galay dadweyne aad u fara badan qurbo joog iyo bahda sportska gobolka hiiraan
waxaana ugu horeyn furitaanka garoonka kubada cagta beledweyn fidni center xariga ka jaray gudoomiyaha olnbikada gobolka hiiraan waxana ugu horeynti ka hadlay munaasabada lagu soo bandhigayay garoonka cusub gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka maxamed cabdullahi buraale oo kamid ahaa maskaxdii ka danbeeysay in garoonkan laga hergilo beledweyne isago shegay in tani aay qeyb ka noqoneeyso hormarka kala duuwaan ee aay gareyso magalada beledweeyne
gudoomiyaha olonbika gobolka c/kariin xasan c/dulle qalaad ayaa isna madashaasi ka hadlay waxana uu tilmaamay in uu ku farxsanyahay in uu munasabada furitaanka uu kasoo qeyb galo,
waxaa iyana munaasabadaasi ka hadlay qaar kamida martidii kasoo qeyb gashay munaasabada iyagoona soo dhaweeyay furitaanka garoonkan kuna tilmamay guul aad uu weeyn,
intaasi kadib ayaa ciyaartii ugu horeeysay ee lagu ciyaaro garoonkaasi ayaa waxa aay dhexmartay 2 kooxod oo ku dheelayay magacyada xafadaha buundo weyn iyo xaawo taako waxaana xaafada xaawo taako aay ku badisay 5 iyo 3 oo aay afka ciidda uu dartay kooxddi ku ciyaraysay magaca buundo weyn sidasna waxa aay guushu ku racday xaawo taako .
garoonkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka kooban sadax qeybood oo kala ah kafateria lagu caweeyo internet kafee iyo garoonka lagu ciyaaro kubada cagta taa oo ka dhigeysa magalada beledweeyne mid kusi hormareysa hormarka dhanka kubadda cagta ah,
c/wali xuseen tawakal
sawir qaade adan cabdi axmed