Wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose halkaaso sii weeyn loogu soo dhaweyay.
Wafdiga ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulkaasi Jubbaland.
soo dhaweeyn balaraan kadib waxaa wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweeynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam madoobe.
Masuuliyiintan oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaxtooyada ayaa waxa ay sheegeen in ujeedada imaatinka wafdigan ay ugu muhiimsantahay mideynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamadii qaranka Soomaaliyeed taas oo dowladda soomaalia aay sii weeyn uguu howlantahay in guud ahaan g/bolada dalka soomaalia aay ka hir giliso mideeynta cidaanka qalabka sidda ee soomaalia,
Â