Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ,ka dib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay wadamada Talyaaniga ,isu tagga Imaaraadka Carabta iyo waliba Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacab badan ayaa Madaxwenaha kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.
madaxweyne Gaas oo hadlay waxaa uu sheegay in magaalada Nairobi uu kala kulmay safiirada Midowga Yurub, Maraykanka, Holland, Swedan iyo madax ka tirsan Bangiga Adduunka, waxaana Dhamaantood uu Sheegay inuu kala hadlay Arrimo la xiriira Wax-ka-Qabashada dhaqaalaha Puntland.
Ugu dambeyn, imaanashaha madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Puntland ay ku baaqeen shir deg-deg ah oo looga tashanayo xaaladda Puntland ,waxaana Xildhibananadu ay dalbadeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda hadda shaqaynaysa si xal loogu helo arimo ay kamid yihiin amniga iyo dhaqaalaha deganadda mamuulka puntland.