{DAAWO SAWIRADDA} Wararkii ugu Danbeeyay Dagaalada Gobolka Hiiraan Iyo Qorshihii Al shabaab Looga qabsanalahaa Dagmada Moqokori oo la isku Raacay.

0
JIMCO September 23, 2022 {HMC} Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa ku jiro Abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan in ay kula Wareegaan Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Abaabulkaan ayaa meelaha uu sidda gaar ka ah kaga socda waxaa ka mid ah Deegaanka Halgan ee u dhaxeeya Degmooyinka Baladweyne iyo Buulo-Barde ee gobalka Hiiraan.
Dhinaca wararka laga helayo Deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab xiliyada qaar lagu arkayo Moqokori balse aysan si buuxda ugu sugneen.
labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa Howlgalka ka socda Gobalka Hiiraan ku biiray Ciidamado farabadan oo u badan kuwa deegaanka taas oo sababtay in Deegano muhiim ah oo Booco ay ka mid tahay Al-shabaab lagala wareego 10-Sano ka dib.
SHARE