Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKADad isbuurasho ugu dhintay Wadanka Bangladesh

Dad isbuurasho ugu dhintay Wadanka Bangladesh

Booliska Bangladesh, ayaa sheegay in ugu yaraan 22-qof ay ku dhinteen isbuurasho, ka dhacday waqooyiga magaalada Mymensingh.

Arrintan ayaa dhacday iyada oo boqolaal qof ay isku dayayeen in ay si xoog ah ku galaan xarunta warshad laga siinayay dhar bilaash ah dadka saboolka ah.

Waxaa dhaqan ka ah dalkaasi Bangaladesh, in dadka maalqabeenada ah ay ugu tabarucaan dhar, dadka masaakiinta ah, bisha barakaysan ee Ramadaan.

Booliska ayaa sheegay, in ku dhawaad 500-qof ay isugu yimaadeen warshada oo ku taalla waqooyiga dalkaasi, si ay u helaan hadiyadaha la bixinayay.

Isbuurashada ayaa bilaabatay, kaddib markii qaar ka mid ah dadka halkaa isugu soo xoomay ay damceen in si xoog ah ay ku galaan xaruntaasi.

Sawiro laga baahiyay telefishinka, ayaa muujinayay xaalad cakiran.

Booliska ayaa sheegaya in ay qabteen toddobo qof oo la la xiriirinayo dhacdadan, waxaana ku jira ninka iska leh warshada.

angaladhesh

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...