Dagaal Culus oo Ciidamada Dowladda iyo Al-shabab ku dhexmaray Duleedka Baraawe

    0

    Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ayaa Xalay ilaa Saaka ka dhacay Duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

    Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Huwanta ah ay Weerar ku qaadeen Fariisimo ay Al-shabaab ku leeyihiin Duleedka Degmada Baraawe.

    Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamed Shiine oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalka ay qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.waxaana uu Xusay in Dagaalka ay ku Dileen 4 Dagaalame oo Shabaab ah islamarkaana ay Nolosha ku qabteen ilaa 7 Maxaabiis ah oo Shabab ka tirsan.

    Sidoo kale waxaa uu dhankooda sheegay in Dagaalka looga Dilay Hal Askari.labo kalena ay uga dhaawacmeen.

    Al-shabaab dhankooda wali war kama soo saarin Dagaalka ka dhacay Duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

    SHARE