Sunday, May 28, 2023
spot_imgspot_img
HomeWARARKADagaal culus oo ka socda Suudaan inkastoo muddada xabbad-joojinta la kordhiyay

Dagaal culus oo ka socda Suudaan inkastoo muddada xabbad-joojinta la kordhiyay

Jimco April 28, 2023 {HMC} Dhinacyada iska soo horjeeda ee milatariga Suudaan ayaa isku raacay inay dib u cusbooneysiiyaan xabbad-joojin saddex maalin ah, wax yar kahor inta aysan muddadu dhamaan.

Muddo kordhintan – 72 saacadood oo kale – ayaa daba socota dadaallo diblomaasiyadeed oo adag oo ay sameeyeen dalalka deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay.

Balse waxaa jira warar sheegaya inuu dagaal culus ka socdo magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Xabbad-joojintii hore ayaa u suurtogelisay kumannaan qof inay isaga baxaan dalkaas, halka dhowr dalna ay isku dayeen inay la baxaan muwaadiniintooda.

Ku dhowaad labo toddobaad dagaal socdya oo u dhaxeeyay ciidamada iyo koox mucaarad ah ayaa sababay inay dhintaan boqollaal qof.

Xabbad-joojinta ayaa la filayay inay dhammaato xalay saq-dhexe abbaaro (22:00 GMT) xilliga dalkaas.

Suudaanta Koofureed ayaa usoo bandhigtay Suudaan inay martigeliso wada-hadallo nabadeed, ciidamada ayaana isku raacay inay wakiillo u diraan wada-hadallada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay “aad uga shaqeyneyso” muddo kordhinta xabbad-joojinta, isagoo intaa ku daray in inkastoo sidii laga rabay aysan ahayn haddana ay yareysay rabshadda.

Balse haweeney u hadashay Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa goor dambe sheegtay in xaaladdu ay ka sii dari karto xilli walba.

Dhanka kale, RSF iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay isku fidanayeen aagaggooda Khartuum.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda rayidka ah, Maryam al-Sadiq al-Mahdi, ayaa iyadoo ku sugan gurigeeda ku yaalla Khartuum Ayaa sheegtay in inkastoo xabbad-joojin ay jirto, haddana rayidku ay baqayaan.

“Waxa ay ugu yeerayaan xabbad-joojin wax xiriir ah lama laha waxa dhacaya,” ayay u sheegtay barnaamijka World Tonight ee Radio Four. “Duqeymaha diyaaradaha ayaa maalin walba habeen iyo maalin socda.”

Dagaal ayaa sidoo kale laga soo sheegay galbeedka gobolka Darfur iyo gobollada kale.

Ugu yaraan 512 qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo ku dhowaad 4,200 la dhaawacay, inkastoo tirade rasmiga ah ay intaas ka badan karto.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay inuu filayay dhimasho badan sababo la xiriira cudurro dillaacay iyo adeegyo la’aan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in inta badan isbitaallada ku yaalla aagagga dagaalka aysan shaqeyneyn, iyadoo in ka badan 60% xarumaha caafimaadka ee Khartuum aysan shaqeyneyn.

David Miliband, madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Samatbixinta ahaana xoghayihii hore ee arrimaha dibadda UK, ayaa sheegay in beesha caalamku ay halis ugu jirtay dayicidda xasaradda ballaaran ee Suudaan markii ay u kala ordayeen daad-gureynta muwaadiniintooda

“Xaqiiqda ah in tobankii maalmood ee ugu dambeeyay dhammaanba baahintii warbaahinta iyo diiradda siyaasadeed waxay ahaayeen soo daad-gureynta kumannaan qof ee ma ahayn baahida loo qabo badbaadinta malaayiin qof oo meesha,” ayuu  sheegay

“Dabcan nolosha kumannaanka qof ee u baahan in la samatabixiyo waa muhiim, balse ka warran 45 milyan oo laga tegay?

“Bulshada Suudaan waa 15 milyan oo u baahan gargaar bani’aadannimo waxaana u maleynayaa qeyb ka mid ah baaqeenna maanta ka Guddiga Caalamiga ah ee Samatabixinta ahaan waa inaan niraahno yeynaan ku dhicin dabinka malada ah in markii kumannaan qof la soo daadgureeyo ay dhibaatadu joogsan doonto.”

War ciidanka ka soo baxay oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta inta badan gobollada Suudaan balse “xaaladdu ay weli ka cakiran tahay qeybo ka mid ah caasimadda”.

inooma suurto gelin xaqiijinta sheegashada ciidamada.

Dalalka shisheeye sida UK, ayaa ku boorrineysay muwaadiniinteeda inay si degdeg ah uga baxaan dalkaas.

Dagaalka ayaa qarxay 15-kii Bishan kaddib hardan qaraar oo siyaasadeed oo u dhaxeeya ciidamada caadiga ah iyo RSF.

Xiisad siysaadeed ayaa in muddo ah ka dhex taagneyd labada janaraal ee sanadkii 2021-kii xukunka kula wareegay afgembi, taliyaha militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Burhaan iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xamdaan Dagalo oo hoggaamiya ciidamada awoodda badan ee RSF.

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY