dalka Yemen ayaa ugu baaqday Qaramada midoobay in si dhaqsa ah ay u ansixiso ciidamo shisheeye oo faragelin ku sameeya dalka si loo badbaadiyo dalkaasi.
Yemen waxay doonaysaa in ciidamadaas ay gaar ahaan tagaan magaalooyinka Cadan, iyo Taciz.
Falaagada Xuutiyiinta ayaa ku sii dhowaanaya magaalooyinkan inkastoo ay weli socoto duqeynta cirka ah ee uu hormuudka ka yahay dalka boqortoyadda Sacuudiga.
Warqadda ay Yemen u qortay gollaha ammaanka ee Qaramada midoobe ayaa sharciyan u fasaxaysa ciidamada shisheeye in ay sameeyaan faragelin.