Waxaa saaka oo Arbaco ah ku Geeriyooday Xarunta dalka Mareykanka Washington Allaha u Naxariistee safiirkii Dowladda Jabuuti u fadhiyay Dalka Maraykanka, Rooble Colhaye sida sida u xaqiijiyay C/raxmaan Ciise Kaahin oo ka mid ah ganacsatada reer Jabuuti ee degen gobolka Minnesota, xubina ka ah Hormuudka Jaaliyadda Jabuuti ee ku nool Mareykanaka.
Marxuum Rooble Colhaye ayaa xilka danjirenimo loosoo Magacaabay Sannadkii 1988-kii, isagoo sidoo kalena ahaa wakiilka Jabuuti u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
Danjire Colhaye Wuxuu ahaa Safiirrada Qaaaradda Afrika kan ugu Xilliga Dheer; isagoo lasoo magacaabay xilligii uu Madaxwaynaha ka ahaa dalka Jabuuti, Xaaji Xasan Guuleed Abti-doon.
Sidoo kale, Intii uu marxuumku dajiraha ka ahaa Maraykanka Waxaa is-bedelay illaa afar Madaxwayne oo Mareykan ah, isagoo ahaa 27-kii sano ee aynu kasoo gudubnay Danjiraha Jabuuti ee dalka Mareykanka.
Ugu dambeyn, Allaha u Naxariistee Danjire Rooble Colhaye ayaa Dhashay 24-kii Abriil, 1944-kii. Wuxuuna ifka uga tagay Xaas iyo Shan Wiil.