Xubno katirsan Qoyska Hogaamiyihii geeriyooday ee Ururka Al-Qaacida Osama Bin Ladin ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay Duleedka Magaalada London ee Dalka Britain.
Dadka ku dhintay Shilkan Diyaaradeed oo gaaraya afar xubnood ayaa waxaa ku jira Gabar la dhalatay Osama Bin Ladin oo lagu Magacaabo Sana Bin Ladin, iyo sidoo kale Osama Bin Ladin Eedadiis, waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhintay Duuliyihii Diyaarada waday oo u dashay Jordan.
Diyaarada oo aheed mid yar oo ay lahaayeen Qoyska reer Bin Ladin ayaa la sheegay in ay wadada ka baxday waxa ayna ku dhacday goob lagu soo bandhigayay Gaadiid oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Blackbushe magaalada Hampshire .
Afhayeen u hadashay Booliska Britain ayaa xaqiijisay in ay geeriyoodeen dhamaan dadkii saarnaa Diyaaradaasi shilka gashay oo sadax kamid ah isku qoys ahaayeen iyo Duuliyihii diyaaradaasi waday.
Prince Mohammed bin Nawaf Al Saud oo ah Safiirka Boqortoyada Sacudi Carabiya u fadhiya dalka Britain ayaa tacsi u diray eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen Qoyska reer Bin Ladin ee shilkaasi Diyaaradeed kudhintay.
Qoyska reer bin Laden oo kasoo jeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ah ah qoys caan oo hanti badan heesta , waxa ayna ganacsiyo badan Qoyskaan ku leeyihiin meelo badan oo daafaha Dunida.