fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeDEG DEG: Weerar lagu qaaday xarunta uu ka socda Shirka Cadaado
Array

DEG DEG: Weerar lagu qaaday xarunta uu ka socda Shirka Cadaado

Wararka naga soo gaaray magaalada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in goordhow weerar lagu qaaday xarunta uu ka socda Shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo la yiraahdo Kafaalo.

Inkastoo si dhab ah loo hubin qaabka u dhacay weerarka ayaa hadana warar ay heleyso warbaahinta Hiranweyn  waxay sheegayaan in jug xoogan laga maqlay Jihada goobta uu shirka ka socda,kaasi oo u muuqday Qarax.

 

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in Ciidamo Ethiopian ah oo ilaalinayay amaanka goobta ay ka hortageen weerarka,islamarkaana ay toogteen sida la soo sheegayo kooxihii weerarka soo qaaday.

Xaalada magaalada ayaa haatan kacsan waxaana la ogaan Karin qasaaraha weerarka ka dhashay,waxaana goobta isku gadaamay ciidamo Ethiopian ah.

Wariyaasha ayaa loo diiday inay goobta gaaraan si ay ogaadaan qasaaraha iyo sida rasmiga ah wax u dhaceen.

 

Wixii ku soo kordha la soco.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO