Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qof rayid ahi ku dileen tuulada Feerqallaal oo magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan u jirta qiyaastii 50 KM.
Ninkan ayaa Al-Shabaab waxa ay kala baxeen gurigiisa. Lamana garanayo sababta illaa iyo hadda ka dambeysa dilkiisa.
Guhaad Cabdi Warsame, oo ka mid ah mas’uuliyiinta Degmada Halgan oo u dhow halka dilka uu kadhacay, ayaa Hiiraanweyn u sheegay in qofka la diley la oran jirey Xasan Cabdi Yuusuf (Daqarre).
Sidoo kale Guhaad Cabdi waxa uu sheegay in Daqarre uu ka mid ahaa dadka tuulada ku dhaqan, islamarkaana aanu wax shaqo ah ku laheyn dowlad iyo Shabaab toona.
Daqarre, ayaa lagala baxay hoygiisa kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab u galeen gudaha hoygiisa dabadeedna ku dileen meel aan ka fogeyn halkii lagala baxay, sida uu Guhaad Cabdi Warsame sheegay.
Halkan Ka Dhageyso:-