Kulan Loga Hadlayay Dhibadata Ay Ciidamada Liyuu booliska ku hayaan dadka Xooladhaqatada Ee Gobolka hiiraan ayaa manta lagu qabtay magalada baladweyne,
Kulanka oo ay Ka soqeyb galeen qey baha bulshada sida dhalin yarada haweenka haweenka odayaal dhaqameedyo maamulka Dagmada baladweyne waxana loga hadlayay dhibaatooyika ay ku hayaan dadka kunool tuuloyinka ku teedsan xadka ay wadaagaan hiiraan iyo Dhulka ismaamulka itoopiya ,
Qaarka kamid dadkii kulnka kahadlay ayaa ku Godiyay hadii dowlada itoopiya ay wax kaqan wayso ciidamada dhibatada ku hayo dadka shacabka in ay jawaab laga dareemo gudaha itoopiya ay bixin doonaan waxana ay shegeen in masuliyada ay qaadidoonto dowlada itoopiya oo hubka uso dhiibatay maleshiyaadka liyuu booliska,
Gudoomiye Ku xigeenka maamulka Dagmada baladweyne bashiir xuseen dhoore ayaa shegay in xasuuqa iyo barakicinta usan hada bilaabanin hayeeshee la isalahaa dowlada itoopiya ayaa wax kaqabaneyso,
Duqada Dagmada Baladweyne Cumar aadan deeqow {BAADIYO} ayaa shegay in arintan ay tahay mid lagu so dulay shacabka gobolka hiiraan islamarkana ay jawaabtii kaga adaneed ay bixinayaan dagaalka ay so qaadeen libuu booliska,
Kulanka loga hadlayay dhibatada ciidamada liyuu booliska ayaa waxaa ay ku so beegmeysaa xili shalay u dhacay dagaal u dhaxeeyo dadka degaanka iyo liyuu booliska taas oo sababtay qasaaro iskugu jira dhimasha iyo dhawac,