Warar dheeri ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsady gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo Subaxnimadii hore ee Saakay lagu qaaday xarunta ay degan yihiin ergada ka qeyb-qaadaneysa shirweynaha Cadaado.
Wararka ayaa sheegay in qof watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu weerar ku qaaday xarunta Kafaalo oo ah halka ay degan yihiin odayaasha soo xulaya xildhibaannada maamulka gobollad dhexe ee ka kooban Galguduud iyo Mudug.
Qaraxa kaddib ayaa la maqlayay rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayeen ilaalada xarunta iyo xoogag damacsanaa in ay gudaha u gallaan xarunta, ilaa iyo haddana dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.
Ammniga xarunta waxaa gacanta ku haya ciidammo Itoobiyaan ah, kuwaa oo la sheegay in ay fureen rasaas aad u xoogan markii ay maqleen qaraxa lagu weeraray xarunta.
Xaalada ayaa aad u kacsan magaalada Cadaado sida aay soo shegeeyso wariyaha hiiraanweyn ee cadaado deeqo abukar jinoow iyado kuso warameysa in laamaha ammnigana ay mashuul ku yihiin sidda ay wax badan uga ogaan lahaayeen sidda uu weerarka u dhacy iyo khasaaraha ka dhashay intaba.
halkan hoose ka dhageyso.