Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa manta magaalada Garoowe ka dhagax dhigay dhisme cusub oo ay dhisanayso Wasaaradda Arrimaha gudaha Dawldaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland.
Xafladda kooban oo loo qabtay dhagax dhiga xaruntaas ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro agaasimayaal katirsan wasaaradaha Puntland waxgarad iyo masuuliyiin kale , kuwaasi oo diyaar garow ugu jiray ka qeyb-galka munaasibadda dhagax dhiga.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leedahay in Wasaaradd kasta ay hesho deegaan wanaagsan oo ay ku shaqayso , arrintaana ay qeyb ka ahayd balan qaadyadii uu madaxweynuhu sameeyey waxbadan ayaana ka hirgalay balanqaadyadaas.
Halkan Hoose Ka Dhageyso.