Dhalinyaro lagu soo qabtay Howlgalo Laaga sameye Degmooyin Ka Tirsan Muqdisho

    0
    JIMCO September 23, 2022 {HMC} Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgalo saacado dhowr ah qaatay waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, iyada oo howlgal lagu soo qab-qabtay dhallinyaro farabadan
    Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka su’aalo la xiriira amniga weydiinayey dhallinyaro farabadan oo howlgalka lagu soo qab-qabtay, kuwaasi oo la isugu geeyay hal  goob , waxaana laamaha amniga ay wateen qaar kamid ah ragga la qabtay
    Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa barbar socday baaritaano lagu sameeynayey gaadiidka dhex marayay waddooyinka xaafaddaha degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee uu howlgalka ka socday, iyadoona meelaha qaar la hakiyey isku socodka gaadiidka
    Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka la sameeyay uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaiijiyo ammaanka Magaalada, isla markaana looga hortegayay waxyaabaha maanka dooriya
    Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay falalka amni darro sida dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan iyo kooxo ciyaar weero burcad ah oo dadka dhac u geysta, kadibna dila, iyaga oo waxba galabsan.
    SHARE