Dhulgariir xooggan oo sababay qasaare nafeed iyo waxyeelo guryo ayaa ku dhuftay galbeedka Nepal.
Dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa todobo dhibic hal, cabirka dhulgariirada ayaa ku dhuftay inta u dhexeysa caasimadda Kathamandu iyo magaalada Pokhara. Dhowr ruux ayaa ku dhimatay.
Wasiirka warfaafinta Nepal, Minendra Rijal, ayaa sheegay inay isku dayayaan sidii ay u cadeyn lahaayeen wararka waxyeelo badan oo ka dhacday bartanka dhulgariirka ee deeganada Gurha iyo Lumjung.
Dhismooyin badan oo ku yaala Kathmandu ayaa burburay waxaana ku jira minaarad la dhisay qarnigii 19-aad..
Raadiyaha Nepal ayaa uga digay dadka in ay dibadda u baxaan. Gariirka ayaa laga dareemay India iyo Pakistan.