Howlgal samatabixin ah oo ay ka qeyb qaadanayaan 7 markab iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarada ayaa ku guulaystay in ay ka hortagaan musiibo ka dhacda badda Mediterranean-ka.
Markab dagaal oo Irish ah ayaa qeyb weyn ka qaatay howlgalkaasi, isagoo la shaqeynayay milateriga Talyaaniga, ilaalada xeebaha iyo dhowr hay’adood oo kuwa gargaarka ah.
Balse weli waxaa jirta cabsi ah in ilaa iyo 100 qof oo muhaajiriin ah ay suuragal tahay in ay ku xaniban yihiin gudaha doonta degtay.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay la wadagaan dib u dejinta qaxootiga si aanay naftooda ugu soo haligin in ay ka soo tallaabaan badda Mediterranean-ka, waxa ayna sheegtay hay’addu in dhaqaale dheeraad ah loo baahan yahay si wadammada ay qaxootigan ka imaanayaan gacan loo siiyo.
Baadigoobka ayaa galaya maalintii labaad, balse inkastoo ku dhawaad 2000 oo qof ay badaasi sanadkan ku dhinteen, haddana dowladaha Yurub ayaa weli la daalaa dhacaya sidii ay ugu heshiin lahaayeen jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixin lahaayeen muhaajiriinta ka soo tallowday badda Mediterranean-ka.