Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDiyaaradda Air Jabuuti oo billowday Duulimaadkeeda Soomaaliya
Array

Diyaaradda Air Jabuuti oo billowday Duulimaadkeeda Soomaaliya

Dalka Jabuuti oo ka mid ah Wadamada Bariga Afrika ayaa diyaarad ay leedahay waxay billowday duulimaadyo ay ku tegi doono dalal ay ku jirto Somalia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Air Jabuuti ayaa noqonaysa diyaaraddii ugu horreysay oo ay dowladda Jabuuti leedahay oo duulimaadyo billowday, Tan iyo Wixii ka Dambeeyay markii ay Kacday Shirkaddii Air Jabuuti Sannadkii 2002-dii.

Diyaaraddan cusub oo shaqo billowday Isniintii aan soo dhaafnay ayaa ka dagtay Jabuuti iyadoo sidda xamuul culeyskiisu yahay lix tan; iydoo la filayo inay ku tagto duulimaadyo maalmaha soo socda Muqdisho iyo Hargeysa.

“Tani waa xiriirka dhinaca duulimaadyada ah oo ka maqnaa Jabuut,” ayuu yiri Maareeyaha Dekedda Jabuuti iyo Maamulka Canshuuraha, Abuukar Cumar Xaddi. Isagoo xusay in diyaaraddan oo ah mid xamuul ay gacan weyn ka geysan doonto duulinta xamuullada. Isagoo intaas ku daray. “Waan u baahnayn shirkad diyaaradeed oo Jabuuti ay leedahay, taasoo xaqiijinaysa hadafka dadka Jabuuti.”

Howlgelinta Diyaaradda Air Jabuuti ayaa Waxaa Gacan ka Geysatay Shirkadda Cardiff, taasoo uu maammulo Bruce Dickinson saldhigeeduna ku yaallo Gobolka Welles ee UK. Waxayna bishii May ee sannadkan la saxiixatay Xukuumadda Jabuuti inay ka taageerayso sidii ay diyaaradaheedii dib ugu howl-gelin lahayd.

“Jabuuti waa goob isku xiri karaysa maalgashiga Yurub, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Afrika. Waxaanan doonaynaa inaan ku muujinno Awoodda iyo howlaha ay qabato shirkadeyda oo ah mid ku horreysa suuqyada duulimaadyada dunida,” ayuu yiri Bruce Dickinson oo had-layay bishii May ee Sannadkan.

Dowladda Jabuuti ayaa muddo fog Qorsheynaysay inay hesho Diyaarad Xamuul si ay ugu adeegsato sii daabulidda shixnadaha kasoo daga Dekedaheeda, kuwaas oo ay isticmaalaan dalal Afrikaan ah oo ay ku jirto Itoobiya oo ay daris yihiin.

Dekedda dalka Jabuuti ayaa ah mid ay kusoo xirtaan maraakiib fara badan oo isaga goosha dunida, waxayna dacalka ku haysaa Kannaalka Suez oo isku xira Afrika iyo Aasiya. halkaa oo ah goob ay maraan maraakiibta isaga gooshaya Qaaradaha Aasiya iyo Yurub.

“Inta u dhexeysa Shanghai oo Shiinaha ah iyo Abuja oo Nigeria ah, Maraakiibta wada konteerrada xamuulka ah waxay u socdaan in ku dhow 75 Maalmood,” ayuu hadalkiisa ku daray Xaddi oo intaas raaciyay. “Marka la eego diyaaradaha ay Jabuuti adeegsan doono, waxay soo yareynayaan waqtiyga, iyagoo ka dhigi doona 20-maalmood oo keliya. Waana hab aad uga jaban qiimaha diyaaradaha kale ay ku qaadaan xamuulka.”

Todobaadka soo aaddan ayaa lagu wadaa in Air Jabuuti ay ku Tagto duulimaadkeedii ugu horreeyay caasimadda Somalia ee Muqdisho, xarunta dalka Koofurta Suudaan ee Jubba iyo Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Diyaaradda hadda ay isticmaali doonto Jabuuti ayaa ah mid keliya, balse waxaa lagu wadaa in shirkadda Cardiff-UK ay diyaaradaha Jabuuti gaarsiiso illaa shan diyaaadood oo ay ku jiraan saddex diyaaradood oo ah Boeing 767, 737 and 757. sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Jabuuti.

Ugu dambeyn, duulimaadaha rakaabka ee Air Jabuuti ayaa la billaabayaa bisha November ee Sannadkan, iyagoo isaga gooshi doona Magaalooyinka Paris, London, Dubai & Mumbai oo Hindiya ah.

Diyaaradda_Air_Jabuuti_hiranweyn

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY