fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeDoorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maanta Cadaado ka dhacaysa
Array

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maanta Cadaado ka dhacaysa

Hoolka doorashada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaa ku qul-qulaya xubno kala duwan oo dadweyne iyo masuuliyiin lagu marti qaaday Doorashada Magaalada Cadaado isugu jirta.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana socda baaris ciidanka amniga ay ku hayaan dadka gelaya xarunta doorashada magaalada Cadaado.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo gaaraya 89 Xildhibaan ayaa u diyaarsan inay codkooda siiyaan hadba musharaxa ay taageersan yihiin ee ay arkaan inuu yahay mid qaban kara hogaanka Maamulka Gobolada Dhexe.
9:00 Subaxni ayuu qorshaha yahay inay bilaabato doorashada Magaalada Cadaado maanta ka dhaceysa, hadii aysan wax isbedel.
Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda, Xildhibaano Baarlamaanka dhexe ka tirsan iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan Magaalada Cadaado oo doorashada goobjoog u noqon doona.
Lama saadaalin karo cida ku guuleysanaysa doorashada ka bilaabanaysa Magaalada Cadaado, maadaama musharaxiinta ay loolan adag ku kala jiraan.
Saddex musharax ayaa ugu cad-cad doorashada Magaalada Cadaado maanta ka dhaceysa, kuwaasi oo kala ah C/kariin Xuseen Guuleed, Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed Cabdi Salaan.
dorashada cadaado
MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...