fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeDowlada Australia oo wadda baaritaanka diyaaradda MH370
Array

Dowlada Australia oo wadda baaritaanka diyaaradda MH370

Mas’uuliyiinta dalka Australia ayaa sheegaya in ay ku kalsoon yihiin in baadigoob ay ka wadaan aagga saxda ah ee koonfurta badweynta Hindiya oo ay ka raadinayaan diyaaraddii MH370 kaddib markii dowladda Malaysia ay xaqiijisay in qayb ka mid ah burburka diyaaradeed ee laga helay jasiiradda Re-union ay tahay burburkii diyaaraddii la la’aa.

Qaybtaasi ka tirsan baalka diyaaradeed ayaa waxaa baaritaan ku hayo khubaro dhanka duulimaadyada ah oo ku sugan dalka Faransiiska.

239 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale ayaa saarnaa diyaaraddaasi ka hor inta aan la waayin meel ay jaan iyo cirib dhigtay, bishii maarso ee sandkii 2014-kii.

Ra’iisalwasaaraha Australia Tony Abbott, ayaa sheegay in helitaanka la helay baalkaasi diyaaradeed uu ka dhigan yahay in khubarada baaritaanka ku haya burburkaasi ay aad ugu dhow yihiin in ay kala caddeeyaan waxa sababay in diyaaraddaasi la waayo.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...