Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Array

Dowlada Koofur Afrika oo loogu baaqay in ay xirto Madaxweyne Al-Bashiir

Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxaa cadaadis lagu saarayaa in ay xirto madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo la sheegay in uu u safray magaalada Johannesburg ka hor shirweynaha 25aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Bashiir ayaa waxa uu wajahayaa eedo dambiya dagaal oo ay ku soo oogtay Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ee The Hague.

Madaxweyne Bashir ayaa ka mid ah dadka la tuhunsan yahay ee ay baadigoobayso maxkamadda ICC.

Waxaa lagu eedeeyey inuu galay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani aadminimada, iyo xasuuq ka dhan ah dadkiisa gobolka Darfur.

Laba ruqsadood oo lagu soo qabanayo ayey maxkamaddu soo saaratay, laakin ICC, ma laha ciidan boolis oo u gaar ah.

Waxay ku tiirsan tahay dalalka xubnaha aka ah inay ayagu xarigga sameeyaan oo ay qofka la tuhunsan yahay u soo gacan galiyaan maxkamadda.

Sidaa darteedna, Koofur Afrika ka xubin ahaan waxaa waajib ka saaran yahay inay qabato Cumar Al-Bashiir, haddii uu cag soo dhigo waddanka.

Guddoomiyaha golaha wadammada ICC, Sidiki Kaba, ayaa muujiyey walaac weyn cawaaqibka ka dhalan kara haddii Koofur Afrika diiddo inay u hogaansanto wax uu ku tilmaamay waajibka caalamiga ee ka saaran inay xiraan Al-Bashiir.

Midowga Afrika ayaa hore u diiday inuu iskaashi kala sameeyo Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada, isagoo ku eedeeyey inay ka eexato hogaamiyeyaasha Afrikaanka.

al bashiir xeyle maryan disalim

MUQAALADA

WARARKA

Baarlamaanka Somaliland oo laalay xubinimadii C/risaaq Khaliif

Talaado-june-06-6-2023-{HMC}  Baarlamaanka Somaliland ayaa Talaadada maanta ah waxa uu sheegey inuu laalayo xubinimadii Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, Talaabadan ayaa salka ku haysa eedeymo loo jeediyey ay...