Dowlada Maraykanka oo noqday dalka alaabta ugu badan ka iibsada dalka Kenya

    0
    JIMCO September 23, 2022 {HMC} warbixin ka soo baxday xafiiska tirakoobka qaranka ee dalka Kenya ayaa muujisay in Maraykanku uu ka sare maray dalka Uganda oo ah, dalka alaabta ugu badan ka iibsada dalka Kenya
    Xogta ka soo baxday xafiiska tirakoobka qaranka ee Kenya ayaa muujinaysa in intii u dhexeysay bilihii January illaa June ee sannadkan 2022, in alaabta ay Kenya u dhoofisay dalka Maraykanku inay gaadhayso illaa 38.8 bilyan oo ah lacagta Kenya oo u dhiganta illaa $321 milyan oo dollar
    Alaabada loo iibgeeyo dalka Uganda ayaa iyagu hoos ugu dhacay illaa $300 oo milyan oo dollar
    Sida lagu sheegay warbixintan cusub, korodhka ku yimi alaabooyinka loo iibgeeyo dalka Maraykanka ayay ugu wacan tahay iibka dharka Kenya oo suuq wanaagsan ka helay Maraykanka
    Dhaqaale-yahanno uu ka mid yahay Ken Gichinga ayaa sheegay in tirooyinkani ay calaamad u yihiin, xidhiidhka dheer ee dalka Kenya ay la leedahay dalka Maraykanka oo ay ku jiraan korodhka duulimaadyada isaga kala goosha Nairobi iyo New York
    “Maraykanku waxay ku leeyihiin awoodda wax iibsiga oo ka weyn tan Kenya,” ayuu yidhi Gichinga. “Waxaad ogaaneysaa in maalgashadayaasha Mareykanku ay heli doonaan waqti aad u wanaagsan si ay u awoodaan inay ganacsi iyo maalgashi ka bilaabaan Kenya, sababtoo ah, haatan waxaa taageeraya suuqa dhaqaalaha” ayuu sii raaciyey

    Uganda ayaa ahayd dalka ay ganacsatada reer Kenya u dhoofiyaan alaabta ugu badan muddo toban sano ah. Hase ahaatee waxaa hoos u dhigay alaabooyinkii laga qaadi jiray dalka Kenya ka dib markii maalgashadayaal kala duwani ay wershedo ka dhiseen gudaha dalka Uganda.

    SHARE