Waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagonka ayaa xaqiijisay in ninkii dadka u garici jiray ururka Daacish ee la yiraahdo Max’ed Camwaasi hase ahaatee ku magac dheeraa John Jihadi.
Sargaal ka tirsan waaxda Pentagonka oo la yiraahdo Col Steve Warren ayaa sheegay in bartilmaameedkoodii gantaantaalkii ay ku dhufteen magaalada Raqa uu guulaystay isla markaana ay la heleen John Jihadi oo ay la raadinayeen
Sargaalkaan waxaa uu sheegay in xogaha ay hayaan inay xaqiijinayaan in John geeriyooday asaga iyo xubno kale oo ka tirsanaa ururka Daacish sida uu yiri.
R/wasaaraha Ingiriiska David Cameroon oo asna arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in tilaabada hogaamiyahaan lagu dilay ay aheyd mid sax ah oo ay soo dhaweynayaan
Max’ed Camwaasi oo John Jihadi loo yaqaan kuna dhashay dalka Kuwait hase ahaatee dhalashada Ingiriiska haysta ayaa marar badan la daawaday asaga oo gawracaya maxaabiis ay Daacish qabsadeen.