Guddoomiyaha Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Sh/Hoose Maxamed Aweys Abuukar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u baahan yihiin Ciidamo AMISOM ah in la geeyo Mubarag iyo Aw-dheegle si aysan markale Al-shabaab ula Wareegin degaaadaasi.
Maxamed Aweys Abuukar ayaa Xusay in Ciidamada Dowladda ee ku sugan Mubarag iyo Aw-dheegle aysan ku finneyn Amaanka Degaanadaas,isagoo intaa raaciyay in Ciidamada AMISOM aysan Daacad ka aheyn Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa horay u soo baneeyay Aw-dheegle iyo Mubaarag oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Shalay ayey aheyd Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay Al-shabaab dib ugala Wareegeen Aw-dheegle iyo Mubarag oo Shabaabku ay Dagaal ku qabsadeen.