fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeDowlada Soomaaliya Oo So Faragilisay Xiisada Baladweyne Katagan Kadib Markii Wasirka Amniga...
Array

Dowlada Soomaaliya Oo So Faragilisay Xiisada Baladweyne Katagan Kadib Markii Wasirka Amniga Oo Ku Dhawaqay,,

Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Guddi soo baara u magacaabay  dilkii sarkaal ka tirsan Hey’adda Mine Action maalin ka hor loogu geystay magaalada Beledweyn, kaasoo ka dhalatay xiisad.

C/risaaq Cumar ayaa sheegay in Guddi ka kooban 7-xubnood loo dirayo Beledweyn, si ay u bilaabaan baaritaanka Sarkaal lagu magacaabayay Mahdi Xuseen Shiikhaal oo mid ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu dilay.

“Waa la hayaa dadka ninka dilay, waa mid ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka, waxaa magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya oo ka kooban 7-xubnood, kuwaasoo isugu jira Booliska, Hey’adda Dambi baarista CID, Nabadsugida iyo labo kuxigeen oo ka tirsan Xeer Ilaalinta”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka inay dajiyaan xiisada, isla markaana xal laga gaaro, isagoo xusay in Madaxweynaha iyo isaga ay xiriir la sameeyaan Odayaasha dhaqanka, kalana hadleen sidii xal waara loo gaari lahaa.

Maleeshiyaad fara badan oo ku heyb ah Sarkaalkii maalin ka hor lagu dilay magaalada Beledweyn ayaa soo buuxiyay magaalada, waxaana ay dalbanayeen in loo soo gacan geliyo askarigii dilka ka dambeeyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Sarkaalka la dilay ee u shaqeynayay Mine Action uu u dhaxeeyay muran, inkastoo aanu Guddoomiyuhu arrintan ka hadlin.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa isku dayay in xiisada la dajiyo, iyagoo wada hadalo la sameynayay labada dhinac, waxaana arrintan ay qal qal gelisay ammaanka magaalada.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0
Talado, October -3- 2023-{HMC} Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo...