Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img

Dowlada soomaliya oo soo dhaweysay bixinta taageerada miisaaniyadeed ee Midowga Yurub

Jimco .May-26/2023-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageero maaliyadeed oo uu Midowga Yurub ku caawinayo dowladda Federaalka ah, taageeradaas oo ah kabis miisaaniyadeed

Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayuu ku sheegay in bixinta Miisaaniyadda Midowga Yurub ay tahay mid ku soo beegantay waqtigeedii

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan loo adeegsan doono qaab hufan si loo gaaro hadafkii loogu talagalay

Dhankiisa, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in bixinta lacagtan ay sii xoojin doonto dib-u-habaynta iyo mudnaanta siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu ansixiyay lacag dhan 20.5 milyan oo Yuuro oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelman ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dhawaan gaari doonto marxalad taariikhi ah, taasoo keeni doonta fursado cusub.
Midowga Yurub ayaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxay tiir adag u ahayd dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha

 

MUQAALADA

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Qorshe ay La damacsanaayeen Lafta gareen iyo Aadan Madoobe Dagmada Baraawe oo La ogaaday

Talaado-june-06-6-2023-{HMC} Qorshe ay La damacsanaayeen Lafta gareen iyo Aadan Madoobe Dagmada Baraawe oo La ogaaday iyo dadka ka so jeedo Dagmadaas oo Casho xoogan...